Who will rule Gaza after the war?!!/ yaa maamuli doona qasa dagaalka kadib?!!

Ticker

6/recent/ticker-posts

Who will rule Gaza after the war?!!/ yaa maamuli doona qasa dagaalka kadib?!!

yuhuudu ma rabaan inay xamaas sii maamusho marinka qasa sidaa darteed waxay doonaysaa inay maamusho cid aanan khatar ku ahayn oo amarkooda ku shaqaysa ugu yaraana aanan dagaal kusoo qaadin,sidaaa darteed waxay dadaal kiisa ugu danbeeya gelinaysaa inay hesho cid ku munaasiba, qormadan waxaan ku eegi doonaa dhinacyada la falanqaynayo inay noqon karaan,
xukuumada falastiin (fatax) markii hore waxay ahayd sida xamaas laakiin 1993-kii waxay magaalada oslo caasida norway heshiis kula saxiixdeen yuhuuda heshiiskaas oo lagu heshiiyey laba dawladood, dawlada falastiin waxay maamulilaysaa daanta galbeed iyo marinka qasa, laakiin yuhuudu waa dad bilaa balana balantiina way kabaxeen ninkii la heshiiyeyna ninkii la heshiiyeyna way dileen oo shirqool ayey yaasir carafaad ku dileen,ugu danbayn waxaa gacanka kudhigay marinka qasa xamaas,imika oo dagaalkii ugu xumaa taariikhdeeda lagula jiro xamaas ayaa dhawr jeer ay ka dhawaajiyeen xukuumada falastiin inay iyagu maamuli marinka dagaalka kadib,wakhtigan xukuumada waa mid daciifa oo dhulka ay maamusho yuhuudu waxay doonto ayey kasamaysaa sidaa darteed ayey doonayaan inay geeyaan marinka sababtoo ah yuhuudu marka dagaalka laga yimaado waxay doonaan kama samayn karaan marinka gasa waana taasi sababta ay xukuumada urabaan. carabtu waa dad sida somalida qabiilo ah sidaa darteed yuhuudu waxay rabaan inay xilalka qabiilada geeyaan odayaasha ay rabaan lacagna ku qarqiyaan,arintaasi oo imika saxaafada caalamka iyo kuwa carabtuna qaadaa dhigayaan ayaa laga yaabaa inay noqdaan kuwa maaamuli doona marinka qasa dagaalka kadib.
wadamada carabta sida masar oo hore umaamuli jirtay laakiin iskaga baxday ugu danbayntii ayaa laga yaabaa inay maamulaan marinka laakiin arintani ayaa umuuqata inayna suurtogal ahayn imika sababtoo ah dadka dagan marinka ayaa ku caana iska caabinta oo yuhuuda oo waxaasoo gantaal ku garaacaysa iskumay dhiibin.
ciidamo qaramada midoobay kasocda hore way usoo mareen marinka qasa laakiin iyaguna way iskaga baxeen marinkan musjisada ah.
yuhuuda laftoodu waxay uga warwareegayaan hore way usoo maamuleen laakiin iyagna way iskaga baxeen iyaga oo ku maamulayey gacan bira,marinku wuxuu ubaahanyahay cid la dagaalanta yuhuuda sida xamaas iyo kuwa lamidka ah oo la mabda'a dadka marinka qasa oo ah dad ku caana iska caabinta iyo dagaalka taariikhdooda xataa yuhuuda kahor oo masoo maamulin cid aanay ogolayn haday maamushana iyagaa iskaga bixi jiray markay u adkaysan waayaan dagaalka mujaahidiinta.

Post a Comment

0 Comments