What will be the deal with Ethiopia?!!/ itoobiya heshiiska miyey ka laaban doontaa?!!

Ticker

6/recent/ticker-posts

What will be the deal with Ethiopia?!!/ itoobiya heshiiska miyey ka laaban doontaa?!!

muuse biixi markii uu itoobiya kasoo noqday waxa uu shacabka usheegay inay itoobiya aqoonsanayso weliba ay ka caawinayso in caalamku somaliland aqoonsado laakiin itoobiya waxay markiiba si cad usheegtay inay marka ay dhulka hesho ay ka fikirayso aqoonsiga,maantana waxaa soo baxaya arimo kaa yaabin doona ee kaalay igula muquuro.
Kadib markii heshiiska ay wada galeen somaliland iyo itoobiya bilawgii sanadkan dawlada federalka ee somaliya waxa ay itoobiya kuqaaday dagaal dibloomaasiyadeed oo itoobiya kunoqday culays aanay kagudbi karin sidaa darteed itoobiya waxay keentay maskax cusub, itoobiya waxay usoo bandhigtay somaliland inaan si cad loogu dhawaaqin aqoonsiga, somaliland oo arintaasi aad uga biyadiiday ayaa sheegtay in haday itoobiya aqooonsan waydo inayna siin doonin saldhiga,itoobiya oo ah wadan lagu yaqaano siyaasada aan sugnayn ayaa muuse biixi usheegtay in hadii dagdag isafgaradka heshiis loogu badalin inay itoobiya saxiixa kasoo qaadan doonto dawlada federalka somaliya laakiin arintaasina maahin suurtagal ah sababtoo ah somaliya waxay ogoshahay inay itoobiya dakadaha wax kala soo dagto sida ay u adeegasato dakadaha djibouti oo ay heshiiskana ka noqoto laakiin itoobiya ayaana arintaasi ogolayn.
Itoobiya mar hadii ay labada jihoba kasoo xidhmeen maxaa ufuran inay samayso, sadex dariiq ayaa itoobiya ufuran: 1; inay itoobiya heshiiska ka noqoto arintaasina waxay umuuqataa mid aanan dhacayn sababtoo ah itoobiya haday kanoqoto waxay dhaawac kunoqonaysaa sumcadeeda oo wadamada caalamka ee ay saaxiibada la tahay waxay u arkayaaan wadan aanan sugnaan siyaaasadeed lahayn taasina waa arin aad u adag.
2: inay itoobiya dagaal soo qaado, itoobiya waxay maraykanka usheegtay inay laba arin kala doorato inuu heshiisku dhoco iyo inay dagaal kii ugu xumaa geli doonto si ay bad uhesho,arintan haday itoobiya qaado waxay ku noqonaysaa inay gasho dagaal sokeeye sababtoo ah gudaha itoobiya waxaa ka socda dagaal ay dawladu kula jirto jabhada xabashida, sidoo kale waxaa dib usoo noqotay jabhadii tigteega oo sheegtay inayna ku qanacsanayn heshiiskii dawladu la gashay, itoobiya oo sidaa gudaha uga gubanaysaa haday dagaal dibada ah gasho itoobiya oo dhami khariidada way ka tirtirmi oo way kala furfuran sidii somaliya kudhacday dagaalkii sokeeye si ka daran sababtoo ah iyagu waa qoomiyado kala duwan oo iscunaya.
3: itoobiya waxay muuse biixi ku cidhiidhinaysaa in la hirgeliyo heshiiska iyadoona la aqoonsan hadii kale dawlada federalka ay heshiiska uwareeejin doonto,muuse biixi isagoo kuxumaynaya somaliya laga yaabaa inuu saxeexo, taasina maahin mid suurtogal ah,ugu danbaynta halka ay ku danbayn doonto wakhtigaa inoo sheegi doona.

Post a Comment

0 Comments