Is it pirates or the Somali Coast Guard?!!/ ma budcad badeed mise halyeeyo somaliyeed?

Ticker

6/recent/ticker-posts

Is it pirates or the Somali Coast Guard?!!/ ma budcad badeed mise halyeeyo somaliyeed?

waxaan joognaa 2005 wadanka somaliya wuu burbursanyahay bada somaliya waxa lagu daadiyaa khashinka warshadaha reer yurub,kaluumaysi shacri daro ayaa lagaga kaluumaysanjiray weliba looma kala eegayn nooca kaluunka waala dabargooynayey, kaluumaysato somaliyeed ayaa markay arkeen khatarta badooda kajirta iyo sida loo dabar-gooynayo kaluunkii ay ku noolaayeen oo aynna jirin ciidan ama dawlad difaacda ayey go'aan ku gaadheen inay difaacaaan badooda,bilawgii shirkadaha kaluumaysi ayey qaban jireen oo waxay awoodaan ayey ka qaadan jireen wayna uhanjabi jireen,sanadkii 2006-dii doon kaluumaysi oo laga leeyahay dalka japan ayaa muuqaal iska duubay iyagoo muujinaya inay bada somaliya cidlo tahay oo cid ilaashataa aynna jirin laakiin waxayna filayn ayaa ku dhacday, doonta waxaa saarnaa 31 qof oo iskugu jira kaluumaysato iyo arday dugsiyada sare dhigta,halmar ayey ku war heleen weerar lagu soo qaaday kadibna doontii ayaa la afduubtay, markay afar maalmoood faraha kuhayeen ayey sii daayeen doontii badalkeeda waxay heleen 1500,000 oo kaasha, halkaasi waxaa ka bilaabmay ciidanka ilaalada xeebaha somaliya intii uu wadanku burbursanaa, maahin budcad badeed laakiin budhcad badeeda dhabta ahi waa kuwa badeena sunta kushubaya,
kaluumaysiga sharci darada ah ka samaynaya,halyeeyo badeena difaacay wakhti la isku baahaystay oo cid walba ay rabtay inay ka faa"iidaysato badani khayraadka ku qaniga ah ee dadkii lahaa qoriga isku dilayaan,dadkii bada lahaa ay gaajo udhimanayaan ayey halyeeyada budhcada lagu tilmaamayaa caalamka tuseen inay badan dad leeyihiin ayna cidlo ahayn loona dhimanayo difaaceeda, khalado badan ayey galeen sida inay doomo gancsi afuubteen kuna badasheen malaayiin dolla,
laakiin inaan ugu yeedhno budhcad waa ceeb,kadib markii laga yaabay awoodooda ayey wadamo badan iskugu soo baahaysteen la dagaalankooda, ma ogtahay wadamadani yidhaahda waxaan la dagaalamaynaa budhcad badeed inay sharci daro uga kaluumaystaan badeena aynna badeena kushubaan sunta warshadahooda oo ay ilaalo uyihiin kuwii ay la dagaalamayeen halyeeyada la ciilay, dawladaha somaliya kajiraa waxaa la siiyaa lacag ama caawimaad halka badeena malaayiin dolar laga sameeyo oo wax kasta loogu adeegsado, waxay ahayd in dhalintan khibrada badeed leh laga dhigo ciidanka bada somaliya halka 20 sano la inagu maaweelinayo in la inoo dhisayo laakiin xaqiiqadu ay tahay in cidna aynna rabin inagoo awood leh,imika waxaan haysan lahayn ciidan badeed oo awood uleh ilaalinta badooda raga iyaga oo cidna dorsan is xilqaamay maxay samayn lahaayeen haday dawladi garab taagantahay,waxay adeegsan jireen doomo waawayn oo aynna haysan maamulada wadanka jira midkoodna,waxay adeegsan jireen raadaaro iyo qalab ay ku ogaan karaan dhaqdhaqaaqa bada somaliya,
laakiin markay waayeen dawlad garab istaagta iska daa inay garab istaagtee la dagaalantay oo usoo kaxaysatay kuwii badeena sunta kushubayey awoodoodii hoos ayey udhacday laakiin weli way shaqeeyaan wayna ilaaliyaan intay awoodaan badooda,baryahana waxay uhiiliyaan falastiin iyagoo xidhidh la sameeya xootiyiinta yaman.

Post a Comment

0 Comments