Did the Saudis betray Palestine? Find out the truth!!/sucuudigu miyuu khiyaamay falastiin?!!

Ticker

6/recent/ticker-posts

Did the Saudis betray Palestine? Find out the truth!!/sucuudigu miyuu khiyaamay falastiin?!!

Markaad ufiirsatid xaqiiqada imika taagan sucuudigu waxba uma sameeyo falastiin laakiin kaalay taariikhda igula muquuro oo soo ogow xaiiqada.
imika waxaan joognaa 01/14/1945-kii dagaalkii labaad ee aduunku waxa uuku dhawyahay in lagu kala baxo, maraykanku waxa uunoqday quwada caalamka,madaxwaynihii maraykanka ee xiligaa roosevelt ayaa la kulmay boqorkii aasaasay sucuudiga cabdicasiis alasacuud, madaxwaynaha maraykan ayaa usoo bandhigay boqorka in yuhuuda lagu dhibay yurub gaar ahaan jarmalka sidaa darteed ay doonayaan inay falastiin wadan uga dhisaan boqorku wuxuu ugu jawaabay maraykanka iskugu ururi oo halkaa ku ilaali sababtoo ah inigu waxaad noqoteen quwada caalamka,madaxwaynihii maraykanku waxa uu dhintay bil kadib ninkii kadambeeyey ee truman wuxuu yuhuuda sidhaba wadan uga dhisay falastiin 1948-kii,sucuudiga ciidamadiisuna waxay galeen dagaalkii carabtu qaaday 1948-kii kadib markii lagu dhawaaqay in yuhuudu wadan leedahay, maraykankuna waxa uu taageero lagarab taaganyahay yuhuuda sucuudiguna falastiin.
Boqorkii sacuudiga ee faysal waxa uu shidaalka oo ahaa shayga ugu wayn ee uu dhaqaalaha sucuudigu ku tiirsanaa kajaray wadamadii ugu badnaa ee ka iibsanayey ee reer yurub iyo maraykan sababtuna waxay ahayd in yuhuudu qabsadeen falastiin kadibna ay usoo gudbeen wadamada carabta iyagoo taageero ka helaya wadamadii boqorku shidaalka kajaray,wasiirkii arimaha dibada maraykanka oo loosoo diray inuu boqor faysal lasoo hadlo ayuu boqor faysal inta uu saxara geeyey uusoo siiyey timir iyo caano kuna yidhi anagu haduu shidaalku istaago waxaan ku noqonaynaa noloshayadii laakiin inigu maxaad u isticmaalaysiin warshadihiina, ugu danbayn boqor faysal waxaa la dilay march 25,1975-kii isagoo 68 jir ah, dilka waxa fuliyey wiil uu adeer u ahaa laakiin waxaa kadanbeeyey sirdoonka maraykanka iyo reer yurub.
imika markaad waaqaca eegtid waxaad arkaysaa wax ka duwan waxaan kasoo sheekaynaynay gaar ahaan waxyaalaha uu samaynayo dhaxal sugahani maxamed bin salmaan,laakiin carabta oo dhan waxaa ku dhacay hoos udhac aad uwayn waxaana ugu wayn in carabtu ay heleen dhaqaale badan taasina ay keentay inay dagaalka ka warwareegaan gaar ahaan cid taakulo ka helaysaa wadamada caalamka kuwa ugu awooda badan mida kale carabtu way ubaahanyihiin wadamadaas taasina waxaa tusaale kuugu filan hubka ay carabtu kasoo iibsato reer galbeedka iyo ciidanka maraykanka iyo reer yurub waxay joogaan wadamada carabta iyagoo ka hela taageero sida dagaalkii kuwayt ciraaq kusoo qaaday,dagaalkii ciraaq lagu qaaday oo carabtu waxay sadaam u arkayeen khatar kusoo socota gaar ahaan sucuudiga kadib markii uu kuwayt kusoo duulay sucuudiguna wuxuu ahaa wadankii ugu horeeyey ee lagaga duulay ciraaq ee keenay ciidamada maraykanka wadamada carabta,sidoo kale dagaalkii yaman ee xootiyiintu ku qabsadeen yaman isagoo taageero ka helaya iiraan,sidoo kale iiraan, iiraan waxay isku balaadhisay wadamada carabta sida lubnaan,ciraaq,suuriya iyo yaman waana cadawga ugu wayn ee sucuudiga maraykankuna wuxuu meesha ka ilaalinayaa israel,ugu danbayn carabta oo uu ugu horeeyo sucuudigu way ka tageen dagaalkii laakiin kamay tagin ama may ilaawin qadyada falastiin taasna waxaa tusaale kuugu filan ilaa imika sucuudiga iyo carabtu marka laga reebo dhawr wadan lama heshiin yuhuuda,mida kale masar markay la heshiisay yuhuuda 1979-kii dagaalkii wuu istaagay ogowna masar waa wadanka ugu badan ee dagaal la galay yuhuuda taasina waa shayga ugu wayn ee dagaala joojiyey.

Post a Comment

0 Comments