The four countries that are changing the world order/afarta wadan ee nidaamka caalamka badali doona?!!

Ticker

6/recent/ticker-posts

The four countries that are changing the world order/afarta wadan ee nidaamka caalamka badali doona?!!

afarta wadan ee kala ah ruushka, shiinaha, iiraan iyo kuuriyada woqooyi ayaa raba inay badalaan nidaamka aduunka ee uu hogaaminayo maraykanku, kadib markii ruushku dagaal kuqaaday wadanka yukrayn maraykanka iyo xulafadiisa ayaa cunaqabatayn kusoo rogay wadanka ruushka, sidoo kale waxaa jiray wadamo ruushka taageeray sida shiinaha, iiraan iyo kuuriyada koonkureed iyaga oo dhaqaale iyo hub kutaaageeray ruushka, kadib markii ruushku kajaray reer yurub shidaalka waxauu u wareejiyey suuqyada shiinaha, iiraan waxay ku taaageertay ruushka oo ay badhna ka iibisay badhna hadyad usiisay, halka woqooyiga kuuriya ay ka iibisay weliba si cad gantaalaha balaastiga ah,
shiinaha iyo ruushka waxaa udhexeeya xidhiidh kumanaan sano soo jiray oo aad u qadiimiya, kadib markii midawgii soofiyeet burburay waxaa meesha kabaxay qudbigii labaad ee maraykanka kula loolamayey aduunka, maraykanku wuxuu helay raaxo siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari oo aduunka ayuu ku maamulay wuxuu isagu rabo, wuxuu burburiyey wadamo badan oo kasoo horjeeday aragtidiisa sida ciraaq iyo somaliya, laakiin umay sii waarin arintaasi ee dubkii ruushka ayaa dib boodhka iskaga jafay oo bilaabay inuu dib usoo noqdo kadib markii uu mudo dhaawac ahaa kadib burburkii soofiyeedka iyo shiinihii indhaha yaryaraa oo dib isna kadib markii uu guumaysiyo xun oo xadaaradiisii burburiyey kasoo baxay doonaya inuu dib usoo laabto oo uu ka aargoosto kuwii shalay ka awooda badnaa ee guumaystay ee burburiyey, labadan wadan ayaa bilaabay inay dhisaan nidaam kasoo horjeeda kan maraykanku hogaaminayo, arintani oosoo bilaabantay qarnigan cusub ayaa maraykankii kadhigtay mid aan kalmadiisa lamaqlin oo cuna qabataymaha uu kusoo rogo wadamadu aanay saamayn yeelan,halka ay wadamo badani kubiireen nidaamka ay hogaaminayaan shiinaha iyo ruushku,wadamadaasi ay ugu horeeyaan iiraan iyo woqooyiga kuuriya oo iyagu waligoodba ay is hayaan maraykanka uuna kusoo rogay cunoqabataymo, arinta ugu wayn ee ay isku hayaan ayaa ah hubka nukliyeerka oo ay kuuriya samaysatay sidoo kale ay ka caawinayso iiraan siday ku heli lahayd,
kuuriya woqooyi waxay kamidtahay wadamada yar ee weli sii haysta shuuciyadii uu midawgii soofiyeed ladhintay, waxay samaysatay hubka wax gumaada waxaana taageeri jiray midawgii soofiyeed halka uu maraykanku ka taageero koonfurta kuuriya oo ah wadan dhaqaale ahaan horumarsan dimuqudaari ah sida maraykanka, kuuriyooyinku waxay kamidyihiin meelihii uu dagaalkii qaboobaa aadka usaameeyey,umad walaalo ah oo isku dhaqan iyo isir ah ayey ka dhigeen labo cadaw ee iskugu xun caalamka,taasina ilaa imika ayey taagantahay, kadib markuu midawgii soofiyeed burburay woqooyiga kuuriya cidlo cad bay kusoo dhacday laakiin shiinaha oo isna markaa soo kacayey ayaa ka hakiyey inay burburto kadib markii ruushku dib usoo noqday ee ruushka iyo shiinuhu xulafo adag samaysteen waxay heshay quwad ama tiir kadifaaca cunaqabataynta uu maraykanku dusha ka huwiyey,
iiraan waxay kutaalaa meelaha ugu xasaradaha badan caalamka maadaama ay kutaalo beriga dhexe aan dagin khayraadka ay leedahay iyo loolanka kajira awgeed, kahor 1979kii iiraan waxaa maamulayey nidaaam boqortooyo oo maraykanka lasafan, waxaaba berigaa loo yaqaanay iiraan booliska beriga dhexe u ilaaliya reer galbeedka, waxana uu ka mid ahaa wadamadii ugu horeeyey ee aqoonsada guumaysiga falastiin xooga kuhaysta,kadib markii uu odayga khumayni xukunka kula wareegay kacdoon dadwayne sanadkii 1979kii iiraan waxaa u bilawday cahdi cusub oo waxay xidhiidhka ujartay guumaysiga sidoo kale waxay bilawday inay shiicada ku faafiso wadamada suniyiinta arintaasi oo ay dagaal kala hor yimaadeen wadamada islaamku oo dagaalkii ciraaq iyo iiraan ee socday 10ka sanadood wuxuu ka bilaabmay arintaasi, maadaama ay ciraaqtahay albaabka ay iiraan kasoo gasho wadamada carabta ayaa waxay bilawday inay kiciso shiicada ciraaq laakiin sadaam xuseen oo isna wakhtigaasi uun xilka qabtay ayaa ku qaaday dagaal socday toban sano ay ku dhinteen malaayiin askar iyo shacab laba dhinac ah, kadib markii ay ciraaq burburtay iiraan waxay heshay fursad ay isku balaadhin karto wayna ka faa"iidaysatay laakiin waxaa ka horyimid wadamadii oo ay iswajaheen wadamada khaliijka oo ay uu maraykanku taageerayo iyo yuhuuda oo iiraan iyo maleeshiyaadkeega u arka khatar amni, iiraan waxay ujeesatay xulafada ruushka iyo shiinaha oo markii midawgii soofiyeedba ay la safnayd, markii ciraaq ay taageerayeen carabta iyo maraykanku iiraan waxaa taageerayey soofiyeedka,
maraykanka oo ah odayga ugu awooda badan caalamka dhinac walba ayaa isna bilaabay inuu kahortago khatarta kusoo socota, waxa uu taageeray wadamada shiinaha la jaarka ah sida japan oo uu bilaabay inuu ciidankeedii uu dib udhiso kadib burburkii dagaalkii labaaad ee lagu jabiyey japan iyo jarmalka, jarmalka oo ahaa wadankii dagaalkii labaad ee aduunka bilaabay aya lagu soo rogay sida japan ama ka daran cunaqabataymo ciidan, laakiin kadib markii uuruushku weeraray yukrayn waxaa isbadalay mowqifkii maraykanka oo go'aansaday inuu dib udhiso ciidama labadan wadan si uu ugaga hortago ruushka iyo shiinaha, sidoo kale maraykanku wuxuu sameeyey xulafo kakooban wadamada afka ingiriiska ku hadla sida uk, canada, maraykanka, newzealand iyo ustareeliya, sidoo kale wuxuu sameeyey xulafo ay kujiraaan japan, hindiya iyo ustareeliya,sidoo kale wuxuu badiyey joogitaankiisa wadamada uuku leeyahay xeryaha milatariga,sidoo kale nato ayaa usoo dhawaatay xuduuda ruushka, arintaasina waata ruushka ku keentay inuu ku duulo yukrayn uuna u hanjabo wadamo badan sida boolan.
The four countries that are Russia, China, Iran and North Korea want to change the world order led by the United States, after Russia fought a war in Ukraine, the United States and its allies imposed sanctions on Russia, and there were also countries that supported Russia such as China. , Iran and North Korea supported Russia with money and weapons. After Russia cut off the European oil, it transferred the oil to the Chinese market. plastic,
China and Russia have a relationship that has been going on for thousands of years and is very old. After the collapse of the Soviet Union, the second power that the United States was competing with in the world was removed. destroyed many countries that were against his views such as Iraq and Somalia, but it did not last long. The evil owls who destroyed their civilization want to come back and take revenge on those who were more powerful than yesterday who destroyed it. The sanctions imposed on the countries have not been affected, while many countries have rejected the regime led by China and Russia, the first of these countries are Iran and North Korea, who have always been against the United States and imposed sanctions on them, the biggest issue they have It has nuclear weapons that Korea has developed and is helping Iran acquire,
North Korea is one of the few countries that still has the communists that the Soviet Union had, it developed weapons of mass destruction and was supported by the Soviet Union, while the United States supports South Korea, an economically developed democratic country like the United States, Korea is one of the places where the war After the collapse of the Soviet Union, North Korea became a desert, but China, which was rising at the time, stopped it from collapsing after Russia came back and Russia and China formed a strong alliance, it gained strength or a pillar to resist the sanctions imposed by the United States,
Iran is one of the most troubled areas in the world because it is located in the Middle East, due to its resources and challenges. Before 1979, Iran was ruled by a US-backed monarchy, and Iran was known as the Middle East Police to protect the West. It was one of the first countries to recognize the Palestinian colonial rule, after the elder Khomeini came to power in a popular uprising in 1979, Iran started a new charter and cut ties with the colonialists. came before the Islamic countries and the war between Iraq and Iran that lasted for 10 years started because of this, because Iraq is the gateway to Iran from the Arab countries, it started to provoke the Shia of Iraq, but Saddam Hussein, who took office at that time, started a war that lasted for ten years. In the years that killed millions of soldiers and civilians on both sides, after the collapse of Iraq, Iran had the opportunity to expand and took advantage of it, but it was opposed by the countries in the Gulf, supported by the United States, and the Jews in Iran and Iran. Considering its militias as a security threat, Iran targeted the Russian and Chinese allies and when the Soviet Union was aligned with them, when Iraq was supported by the Arabs and the United States, Iran was supported by the Soviets,
The United States, which is the most powerful country in the world, has also started to prevent the coming danger, it has supported China's neighboring countries such as Japan and started to rebuild its army after the defeat of Japan and Germany in the Second World War. was the country that started the Second World War and was imposed military sanctions like Japan or worse, but after the attack on Ukraine by Ukraine, the position of the United States changed and decided to redeploy the troops of these two countries to prevent Russia and China, as well as the United States He made alliances in English-speaking countries such as the UK, Canada, the United States, New Zealand and Australia. He also made alliances with Japan, India and Australia. Russia's border, and that's what made Russia invade Ukraine and threaten many countries like Poland.

Post a Comment

0 Comments